Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wareeggi 1-aad ee doorashada guddoomiyaha baarlamanka oo soo dhammaaday


Baarlamanka
Baarlamanka

Waxaa soo dhammaaday wareeggii koowaad ee codbixinta baarlamaanka, waxaana muuqata inay codadka ugu badan heleen afar xildhibaan oo kala ah Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Ibraahim Isaaq Yarow, Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-Gareen iyo Shariif Maxamed Cabdalla.

Afarta xubnood ee hela codadka ugu badan ayaa u gudbaya wareegga labaad. Afarta u gudubtay wareegga labaad ayaa codadka u kala helay sidan.

Maxamed Mursal Cabdiraxmaan 83

Ibraahim Isaaq Yarow 69

Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen 54

Shariif Maxamed Cabdalla 19

Si kastaba Cabdi Casiis Lafta Gareen iyo Shariif Cabdalla ayaa tanaasualy, waxaana wareegga ugu dambeeya isugu soo haray Maxamed Mursal Sheekh iyo Ibraahim Isaaq Yarow.

Intii aysan doorashada billaaban waxaa tartanka ka baxay guddoomiyihii hore ee baarlamanka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Sheekh Aadan Madoobe.

Qofka la doorto ayaa beddeli doona Maxamed Cusmaan Jawaari oo xilka iska casilay 12-kii bishan, kadib muran siyaasadeed oo ragaadiyey siyaasadda Soomaaliya.

XS
SM
MD
LG