Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Pochettino oo mugdi geliyey mustaqbalkiisa Tottenham


Mauricio Pochettino
Mauricio Pochettino

Mauricio Pochettino ayaa sheegay in mustaqbalkiisa muddada fog ee kooxda Tottenham uusan gacantiisa ku jirin, islamarkaana ay quseyo gudodomiyaha kooxda Daniel Levy inuu saxiixo qandaraas cusub iyo in kale.

Macallinka Spurs ayaa shaki geliyey msutaqbalkiisa kooxda toddobaadkii tagey markii ay Manchester United kaga adkaatay cayaartii afar dhammaadka koobka FA CUP-ka, markaasi oo uu yiri “Spurs waxay u baahan tahay waqti si ay guul u gaarto, haddii aan aniga macallin u ah iyo macallin kaleba”

Pochettino ayaa waxaa saddex sano ugu haray qandaraaska uu kula jiro Tottenham, hase yeeshee wuu ka gaabsaday markii la weydiiyey inuu diyaar u yahay inuu saxiixo qandaraas waqti dheer iyo in kale.

“Ma saxiixi doonaa qandaraas cusub? Waa su’aal u taal Daniel Levy. Ma ahi Arsene Wenger ama Sir Alex Ferguson oo ah kuwa ayaga go’aan ka gaara mustaqbalkooda. Waxaan go’aan ka gaaraa kaliya 11-ka cayaartoy ee garoonka kusoo billowda” ayuu yiri Pochettino.

XS
SM
MD
LG