Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mourinho oo rajayanaya inuu mar kale ka hortago Wenger


Jose Mourinho ayaa sheegay inuu rajeynayo in kulankii axaddii ay Manchester United 2-1 kaga adkaatay Arsenal uusan noqon kii ugu dambeeyey ee uu ka hortaggo Arsene Wenger.

Kulankii ugu damabeeyey ee Arsene Wenger uu booqdo Old Trafford isaga oo ah macallinka Arsenal, ayaa ku billowday soo dhoweyn wanaagsan oo Sir Alex Ferguson uu u sameeyey, kaasi oo siiyey haddiyd.

Mourinho ayaa sheegtay in isaga uu ka dambeeyey soo dhaweyntii Ferguson uu u sameeyey Wenger, sababtuna ay ahayd in xifaaltanka Ferguson iyo Wenger uu ka weyn yahay kan isaga iyo Wenger.

“Waxaan rajeynayaa inaan cayaartii ugu dambeysay ka hortagin Wenger, waxaan rajeynayaa in mar kale ay dhacdo” ayuu yiri Mourinho.

“Haddii aysan ahayn Premier League, yaa og, waxaa weli dhici kara cayaaro kale oo waa weyn”. Ayuu yiri Mourinho.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG