Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ganacsade Raba Inuu Gato Wembley


Shahid Khan, waa Pakistani-American ah, wuxuu leeyahay kooxda Jacksonville Jaguars

Xiriirka kubadda cakta Ingiriiska ayaa billaabay wadahadallo uu kaga iibinayo garoonka Wembley Stadium, Shahid Khan oo ah maalqabeynka leh kooxda Jacksonville Jaguars ee dalkan Mareykanka.

Afhayeen u hadlay xiriirka kubadda cakta England ayaa xaqiijiyay in xiriirku helay dalab uga yimid Mareykanka. Warbaahinta Ingiriiska ayaa ku warrantay in heshiiska lagu iibinayo garoonkan uu ku kacato ilaa iyo hal bilyan oo pound.

Qorshaha lagu gadayo garoonkan ayaa waxaa ka mid ah in Wembley uu wali ahaan doono garoonka xulka qaranka Ingiriiska, sidoo kalana lagu marti gelin doono finalkatartanka FA Cup, laakin aysan kooxaha iyo xulka Englan ku ciyaari karin garoonkan bilaha October iyo November.

Bilahaasi ayaa waxaa ku ciyaari doona kooxda kooxda Jacksonville Jaguars oo ka mid ah kooxaha heerka koowaad ee Kubada Cagta Mareykanka ee (NFL) loo yaqaano.

Warbaahinta Britain ayaa ku warrantay in ganacsadeKhan, oo hantidiisa lagu qaddaray $7.2 billion uu diyaar u yahay inuu hadda bixiyo 500 oo million oo giniga Ingiriiska.

Wembely ayaa qaada 90,000 oo ruux. Waa garoonki ay Ingiriiska ku qaadeen koobki aduunka ee sanadki 1966-ki.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG