Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Real oo aan weli dalab u gudbin Mohamed Salah


Kooxda Real Madrid ayaan wax xiriir ah Liverpool kala sameyn saxiixa xiddiga kooxdaas Mohamed Salah, sida laga soo xigtay ilo-wareedyo ku dhow kooxda reer Spain.

Khamiistii ayaa qaar ka mid ah warbaahinta Ingiriiska waxay weriyeen in Liverpool ay Real Madrid u sheegtay in xitaa 200 milyan oo gini aysan ku filneyn saxiixa Salah.

Salah ayaa waxaa weli u haray afar sano oo ah qandaraaska uu kula jiro naadiga Anfield kadib markii xagaagii tagey lagala soo wareegay kooxda Roma, isaga oo ku kacay 34 milyan oo gini.

Salah ayaa sanadkan wacadarro ka dhigaya horyaalka Premier League iyo kan horyaalada Yurub, isaga oo Liverpool u dhaliyey 43 gool kadib 47 kulan oo uu saftay.

Hab cayaareedkiisa ayaa soo jiitay kooxo badan oo Real ay ugu horeyso, hase yeeshee Liverpool ayaa la filayaa inaysan iibin laacibka reer Masar.

XS
SM
MD
LG