Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dad loo xiray weerar ka dhacay kulankii Liverpool iyo Rome


Booliska magaalada Liverpool ayaa xiray laba qof oo la tuhunsan yahay inay isku day dil sameeyeen kadib markii nin 53 jir ah looga tagey xaalad halis ah, ka hor kulankii koobka horyaallada Yurub ee kooxaha Rome iyo Liverpool.

Cayaartaas oo ka dhacday garoonka Anfield ayaa waxaa 5-2 ku adkaaday kooxda Liverpool.

Ninka la dhaawacay ayaa waxaa si halis ah loogu weeraray meel u dhow garoonka Anfield xalay, intii uu socday isku dhac dhex maray taageerayaasha labada koox, sida ay sheegen booliska.

Labada nin oo ka yimid magaalada Rome, da'dooduna tahay 25 jir iyo 26 jir ayaa waxaa loo xiray inay isku day dil ku kaceen, waxaana la geeyey saldhigga booliska magaalada Liverpool, halkaasi oo su'aalo lagu weydiinayo.

Madaxa booliska Merseyside Dave Charnock ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay "Inta badan 52,000 taageere ee cayaarta ka qeyb galay waxay u dhaqmeen si wanaagan una daawadeen".

XS
SM
MD
LG