Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Pogba "Wax dhibaato ah kuma qabo Mourinho"


Britain Soccer Premier League
Britain Soccer Premier League

Xiddiga qadka dhexe ee kooxda Manchester United Paul Pogba ayaa sheegay inaanu wax dhibaato ah ku qabin macallinka kooxdaas Jose Mourinho, islamarkaana aanu maskaxda ku hayn inuu kooxda ka tago.

25 jirkan u dhashay dalka Faransiiska ayaa kursiga keydka looga tagey labadii lug ee cayaartii wareega 16 ee koobka horyaalada Yurub oo kooxda United ay reebtay kooxda reer Spain ee Sevilla.

"Mourinho waa macallinka, waxa uu qaataa go'aanno, anigana cayaaryahan ahaan waan aqbalayaa go'anadaas" ayuu Pogba u sheegay taleefishinka Faransiiska ee Canal+.

Pogba ayaa United kaga soo biiray kooxda Juventus xilli cayaareedkii tagey, markaas oo uu noqday xidiga ugu qaalisan dunida isaga oo lag soo bixiyey 89 milyan oo geni.

Bilihii dhowaa ayaa inta badan kursiga keydka la gelinayey, hase yeeshee Mourinho ayaa bishii Febraayo sheegay in wararka sheegaya in Pogba ka shalaynayo ku biirista United ay yihiin "Been abuur."

XS
SM
MD
LG