Ka dib 16 sanadood oo si weyn uu hoos ugu dhacay cudurka duumada ama malariyada dunida oo dhan, ayaa hadda waxaa mar kale soo muuqanaya in kiisaska cudurkan ay so kordhayaan. Khubarada cudurkan waxey ka digeyaan in cudurku uu soo laba lixaadsanayo, guulihii la dagaallankiisa laga gaarayna la dhuminayo haddii aan la qaadin tallaabooyin wax looga qabto .
Henry Ridgwell, ayaa warbixintan ka soo diray magaalada London oo Arbacadii shalay uu ka dhacay shirweyne looga hadlayay maal gelinta iyo kobcinta barnaamijyada ka hor tagga duumada. Cabdixakiim Maxamuud Shirwac ayaa inoo soo jeedinaya.
.