Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Cuba oo Madaxweyne Cusub Yeelaneysa


Nin muddo dheer ku xigeen u ahaa hogaamiyaha Cuba, Raul Castro, ayaa lagu wadaa in maanta uu noqdo madaxweynaha cusub ee Cuba, taasoo ka dhigeysa in Cuba marki ugu horreysay uu xakumi doono nin ka baxsan qoyska reer Castro ku dhawaad 60 sannadood.

Madaxweyne ku xigeenka koowaad, Miguel Diaz-Canel, ayaa Arbacadi loo magacaabay musharraxa kaliya ee xilkaan u taagan. Hannaanka doorashada oo ka dhici doonta golaha baarlamaanka ayaa lagu wadaa in maanta lasoo gaba gabeeyo.

Dowlada Mareykanka ayaa walaac ka muujisay qaabka doorashadani ay uga dhaceyso Cuba. Afhayeenka waaxda arrimaha dibadda Mareykanka, Heather Nauert, ayaa sheegtay in maamulka Trump uu ka wal-wal-san-yahay hannaanka doorashada oo ay sheegtay in aysan aheyn mid dimoqraadi ah.

Madaxweynaha cusub ayaa xilka kala wareegi doona Raul Castro oo ah 86 sano-jir. Castro ayaa xakumay Cuba 10-ki sano ee lasoo dhaafay. Wuxuu xilka kala wareegay walaalkiis, madaxweynihi hore ee Cuba, Fidel Castro oo Cuba xakumayay inti u dhaxeysay 1959 ilaa 2006.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG