Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mourinho oo Pogba ka difaacay Scholes


Britain Soccer Premier League

Tababare Jose Mourinho ayaa diiday cambaareynta kulul ee Paul Scholes uu u jeediyey Paul Pogba, isaga oo ku adkeystay in xiddiga reer France uu hab cayaareed wanaagsan soo bandhigay kulankii ay xalay 2-0 kaga adkaadeen Bournemouth.

Pogba ayaa baasay goolkii uu dhaliyey Lukaku, xilli United ay 2-0 kaga adkaatay Bournemouth, ayada oo Smalling uu dhaliyey goolka kale.

Scholes ayaa sheegay in qaab cayaareedkii Pogba ee cayaartii West Brom ay 1-0 kaga adkaatay United uu ahaa mid xushmad darro ku ah macallin Jose Mourinho.

Hase yeeshee Mourinho ayaa diiday dhalleeceynta Scholes isaga oo amaanay Pogba.

“Kuma raacsani Scholes, ma ahayn hab cayaareed wanaagsan cayaartii West Brom, hase yeeshee cayaartii caawa, wuxuu soo bandhigay qaab cayaareed buuxa” ayuu yiri Mourinho.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG