Roobab xoog leh oo maalmahan ka da’ayey dalka Kenya iyo koonfurta Soomaaliya ayaa saameeyey xeryahaha qaxootiga ee Dhadhaab.
Dadka qaxootiga ah ay sheegey in roobabkaasi ay curyaamiyeen isku socodkii ayna ka dhalan karto halis dhinaca caafimaadka ah. Jaamac Buulle Jaamac ayaa khadka telefoonka ee Daddaab kula xiriiray Isniino Macallin Dhaqane oo ka mid ah hoggaamoyayaasha xeryaha qaxootiga.