Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Faahfaahin: Weeerar Ka Dhacay Balcad


Wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in maleeshiyada ururka al-Shabab ay weerar kedis ah ku qaadeen baabuur ay wateen ciidamada milatariga ee dawladda Soomaaliya tuulo u dhow degmada Balcad oo lagu magacaabo Il-Baq.

Warar aanu ka helnay dadka degaanka ayaa sheegaya in weerarkan uu dhacay kadib markii maleeshiyaadka al-Shabab ay qoriga baasuukaha ah la heleen baabuurkaasi, kaasi oo keenay khasaare nafeed oo soo gaadhay ciidanka. Warar kuwaas ka duwanna waxay sheegeen in qaraxa haleelay baabuurka uu ahaa miino lagu aasay dhulka

Warar aanu ka helnay dadka degaanka ayaa VOA u sheegay inay dhinteen ugu yaraan afar askari, halka dhowr kalena ay dhaawacmeen.

Guddoomiyaha Balcad Qaasim Cali Nuur ayaa VOA u sheegay inuu hawlgal ka socdo degaankaas isla markaana cidanku ay iksu dayayaan inay ka daba tagayaan maleeshiyada weerarka soo qaadday.

Xuseen Xasan Dhaqane, ayaa warbixintan soo diray.

Weeerar ka dhacay Balcad
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:01:01 0:00

Dhinaca kale maleeshiyada al-Shabaab iyagu waxay sheegteen inay dileen saddex askari kadib weerarkaasi maanta ka dhacay duleedka Balcad.

Mas’uuliyiinta dawladda ee Balcad-na waxay sheegeen dhinacoodana inuu hawlgal socdo, xilliganna aysan faahfahain ka bixin karin khasaaraha dhacay. Khadka telefoonka ee Balcad ayaa Falastiin Axmed Iimaan ay kula xiriirtay guddoomiyaha Balcad Qaasim Cali Nuur.

Guddoomiyaha Balcad oo ka warramay weerarka ciidanka lagu qaaday
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:43 0:00

XS
SM
MD
LG