Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mourinho oo keyd gelin doona cayaartoy badan


José Mourinho
José Mourinho

Cayaartoyda kooxda Manchester United ee aan si wanaagsan u dheelin cayaartii ay guuldaradda kala kulmeen kooxda West Brom ayaa keydka la gelin doonaa kulanka sabtida ee ay kaga horjeedaan Tottenham, kaasi oo ah afar dhammaadka koobka FA, sida uu sheegay macallin Mourinho.

Manchester United ayaa waxaa 1-0 garoonkeeda Old Trafford kaga adkaatay kooxda West Brom, taasi oo horyaalka u gacan gelisay kooxda Manchester City.

United ayaa ka hor kulanka Spurs waxay arbacada la dheeli doontaa Bournemouth, cayaar ka tirsan horyaalka Premier League.

“Habka aad u cayaarto waa habka kaliya ee aan cayaartoyda ku xulan doono” ayuu yiri Mourinho.

Mourinho ayaa sheegay in qaar ka mid ah cayaartoydii kulanka West Brom aysan wax boos ah ku lahayn kulanka Spurs ee ka dhacaya garoonka Wembley.

XS
SM
MD
LG