Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Soomaaliya: Imaaradka Wada-hadal Ayaa Noo Socda


Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay wadahadal la waddo dawladda Imaaraadka Carabta ku saabsan dhacdadii dhowaan ka dhacday garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ee lagula wareegay lacag dhan 9 milyan iyo 600 kun oo ay dalkakeentay diyaarad u kiraysnayd imaaraadka Carabta.

War saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in kadib markii wadahadallo qoto dheer la yeeshay ay dawladda Imaaraadka Carabtu sharraxaad ka bixisay ujeeddada lacagtaais iyo sida loo isticmaalayo iyo in dawladda Soomaaliya ay kala shaqayn doonto Imaaradka isticmaalka lacagtaasi.

Soomaaliya ayaa sheegtay inay soo dhowaynayso maalgashiga iyo iskaashiga waddamada caalamka.

Dhinaca kalena madaxweynaha maamul gobioleedka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa sheegay inuu ka codsaday dawladda Imaaraadka Carabta in la sii wado kaalmadii ay siin jirtay ciidamada mariiniska ee ay taageeri jirtay.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in iskaashi ka dhexeeyo Puntland iyo Imaaraadka ku saabsan la dagaalnak argagixisada, budhcad badeedda iyo tahriibka. Waxaa uu sheegay inuu raalligelin ka bixinayo “wixii qaladaad ah ee dhaca,” sida uu hadalka u dhigay.

XS
SM
MD
LG