Iyadoo shalay maxkamad ku taalla magaalada Hargeysa ay saddex sanno oo xadhig ah ku xukuntay Niciima Axmed Ibraahim oo ka mid ah halabuurka dhallinyarada ah, taas oo lagu eedeeyay aflagaaddo ka dhan Somaliland, ayaa maantana, waxa maxkamadda gobolka Maroodijeex, xukun xadhig sannad iyo lix bilood ah ay ku ridday, qoraa Maxamed Keyse Maxamuud oo isna lagu eedeeyay aflagaaddo liddi ku ah Somaliland.
Xukunnadan ayay garyaqaannada iyo Xarunta Xuquuqal Insaanka ay ku tilmaameen mid sharciga baalmarsan. Haddaba, xukunnadan iyo asbaabtooda ayaa weriyaha VOA Barkhad Maxamuud Kaariye wuxuu ka waraystay, xeer-ilaaliyaha gobolka Marodijeex, ahna afhayeenka xeer-ilaalinta, Mawliid Cabdi Muuse.