Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kooxda PSG oo Hanatay Horyaalka Faransiiska


 Thiago Silva
Thiago Silva

Kooxda Paris St Germain ayaa shalay ku guuleysatay horyaalka dalka Faransiiska ee Ligue 1 kadib marki ay 7-1 ku xaaqday kooxda kusoo xigta ee Monaco.

Waa marki shanaad oo ay PSG ku guuleysaneyso horyaalka Faransiiska lixdi sano ee lasoo dhaafay. Kooxdan ayaa waxaa leh ganacsade u dhashay dalka Qatar.

Waxay horyaalkan ku guuleysatay iyadoo ay ka harsanyihiin shan ciyaarood, sababtoo ah kooxda ugu dhaw oo ah Monaco ayaa waxay ka sarreysaa 17 dhibcood.

Goolasha ay shalay kaga badisay Monaco min laba gool waxaa kala qeybsaday Giovani Lo Celso iyo Angel De Maria.Ciyaaraha kalana Montpellier waxaa 3-1 ku dubatay Bordeaux halka Marseille ay 3-2 ku qabatay Tokhuwa.

XS
SM
MD
LG