Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Baraawe: Qarax Ka Dhacay Garoon Kubadeed oo Dhimasho Sababay


Wararka ka imaanaya magaalada Barawe ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in ugu yaraan afar dhalinyaro ah ay ku dhinteen dhowr kalena ay ku dhaawacmeen qarax maanta halkaasi ka dhacay.

Qaraxa ayaa haleelay dhalinyaro kubad ku cayaareysay meel garoon ah sida ay VOA u sheegeen qaar ka mid ah masuuliyiinta gobolka iyo kuwa degmada.

Cayaarta ayaa aheyd Semi-Finalka cayaaro degamada ka socday oo ay isku arkayeen kooxo lagu kala magacaabo Elman iyo SYL.

Masuuliyiinta ay VOA la hadashay ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa walxo lagu aasay qeybta ay dadka muhimka ah fariistaan ee garoonka lagu cayaarayay.

Weli ma jirto cid sheegatay weerarka hase yeeshee saraakiishii aan la hadalnay ayaa sheegay inay tuhunsanyihiin maleeshiyada ururka al-Shabab inay masuul ka ahaayeen weerarkaas. Jamaal Axmed Cismaan, ayaa arrimahaasi ka wareystay guddoomiye ku xigeenka degmada Baraawe Bashiir Maxamed Yuusuf.

Qaraxa Baraawe kadhacay
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:03:37 0:00

XS
SM
MD
LG