Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Fartuumo Kuusow: Qoraa iyo Macallimad Luuqadda Ingiriiska ah.


Barnaamijka Haweenka iyo qoyska ee toddobaadkan waxaa marti ku ah Fartuumo Maxamed Kuusow oo ah macalimad wax ka dhigta dugsiyada sare ee dowladda ee magaalada Winsor ee gobolka Onterio ee dalka Canada. Fartuun waxa ay 18-kii sano ee la soo dhaafay dhigeysay maadada ingiriiska.

Fartuumo waa hooyo kaligeed korisay 5 carruur ah oo ay qaarkood iyagoo aad u yar yar kala soo qaxday dalka horraatnii 90-shamaadkii.

Waxay luuqadda Ingiriiska ee ay hadda dhigto ku baratay dalka Canada oo ay meel hoose ka soo billowdya. Waxay sidoo kale intii dagganayd dalka Canada shahaada sare ee mastarka ku qaadatay maadooyinka Biologiga iyo English-ka.

Fartuumo sidoo kale waa qoraa waxayna dhowaan soo bandhigtay buug lagu magacaabo Tale of Boon’s wife, dhowaana lagu soo bandhigay bandhig dhinaca buugaagta ah oo Muqdisho lagu qabtay.

Barnaamijkan Haweenka iyo qoyska ayay Fartuumo kaga sheekeyneysaa waayeheeda iyo duruufaha ay ka soo martay heerka ay maanta joogto.

Dhageyso Barnaamijka Haweenka iyo Qoyska oo ay soo diyaariso Caasho Ibrahim Aden (Caasho Cuud)

Dhageyso Barnaamijka Haweenka iyo Qoyska
please wait

No media source currently available

0:00 0:12:26 0:00

FARTUMO KUSOW
FARTUMO KUSOW

XS
SM
MD
LG