Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Jawaari oo ku Dhawaaqay Is-casilaad

Gudoomiyaha baarlamanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari), ayaa maanta markii ugu horeysay si rasmi ah afkiisa uga xaqiijiyay, wararkii shalay la baahiyay ee ahaa inuu iscasilay.

Jawaari ayaa sheegay inuu qaatay go’aankaa, ka dib markii uu dhageystay talooyin dhinacyo badan iyo shacabka ay u soo jeediyeen.

Waxa uu sheegay in berito uu xilka si rasmi ah ugu wareejin doono baarlamankii ku aaminay.

Jawaari ayaa shir jar’aaid ku qabtay, xarunta madaxtooyada iyadoo uu garab taaganyahay Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, oo guddoomiyaha uga mahadceliyay go’aanka uu qaatay.

Wariyaha VOA Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle oo shirkaasi Jaraa’id tagay ayaa warbixintan inoo soo diray.

Jawaari oo ku dhawaaqay iscasilaad
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:56 0:00

XS
SM
MD
LG