Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Guardiola: Waa inaan soo bandhignaa cayaar dhameystiran


Tababaraha Manchester City Pep Guardiola ayaa sheegay in kooxda ay qasab tahay inay soo bandhigto hab cayaareed dhameystiran si ay usoo guddo saddexda gool ee Liverpool ay kaga adkaatay lugtii hore ee cayaarta sideed dhammaadka koobka horyaallada Yurub.

Cayaartan oo ka dhaceysa garoonka Etihad ee City, ayaa kooxda Guardiola waxay wajaheysaa ayada oo laba kulan oo isku xiga ay ka kala adkaadeen Liverpool iyo Manchester United.

Guardiola waxa uu sheegay inuu aaminsan yahay in kooxdiisa ay tahay qeyrul caadi.

“Habka kaliya ee kubad wanaagsan loo cayaaro waa inaad niyad wanaagsanaataa” ayuu yiri Guardiola.

“Si aan usoo baxno waa inaan soo bandhignaa cayaar dhameystiran, abuurno fursado badan, oo aan ogolaano fursado yar” ayuu yiri Guardiola.

City waa inay ku badisaa ugu yaraan 3-0, si ay cayaarto waqti dheeri ah ugu darto, ama 4-0 ku badisaa, si ay usoo gudbisaa.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG