Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Afghanistan: Maraykanka oo Kordhiyey Weerarka ISIS iyo Taliban


Ciidamada Mareykanka ayaa kordhiyay awoodda dagaal ee ay ku hayaan kooxda ISIS ee fariisinka ku leh waqooyiga dalka Afghnaistan iyo waliba kuwa Taalibaan ee ka dagaallama dhinaca koofur-galbeed.


Gulufkan cusub ayaa qeyb ka ah dadaallo dheeraad ah oo lagu doonayo in labadaasi kooxood lagu baacsado. Afghanistan ayaa dooneysa in ay xididdada u siibto Daacish, isla markaana ay miiska wadahadalka la fariisato Taalibaan si khilaafka wadahadal loogu dhameeyo.


Saraakiisha ayaa sheegaya in dadaaladan ay u muuqdaan kuwo miro dhal noqon kara, gaar ahaan kuwa ka socda dhinaca waqooyiga. weerrarro jimcihii dhacay ayaa lagu dilay hogaamiyihii waqooyiga Afghanistan u qaabilsanaa ururka ISIS.


Saraakiil Milatari ayaa xaqiijiyay in Qaari Xikmatullaah oo ahaa hogaamiyaha Daacish ee gobolka Kharasaan, lagu dilay weerar laga fuliyay aagga Darzaab ee hoos taga gobolka Jowzjan, halkaa oo ay maleeshiyada ISIS gacanta ku hayso.


Guyddoomiyaha gobolkaas Mowla Ladiifullah ayaa VOA u xaqiijiyay in weerarkaasi sidoo kale lagu dilay kaaliye aad ugu dhowaa Xikmatullah, waxaanu intaasi ku daray in labadaba xilli dambe oo habeen ah lagu aasay tuulo ku dhow halka lagu dilay, iaydoo dad aad u tiro yar ay aaskaasi ka qeyb galeen.

XS
SM
MD
LG