Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Milatariga Mareykanka oo Al Shabab Ku Duqeeyay Jilib


U.S. Air Force F-15E Strike Eagle

Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa ayaa sheegay in ay duqayn cirka ah la beegsadeen maleeshiyada ururka Al-Shabab, meel u dhow magaalada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe.

Duqayntan ayay Maraykanku sheegeen inay ku dileen saddex maleeshiyo ah isla markaana ay ku burburiyeen baabuur tikniko ah.

Maraykanku waxay sheegeen inaysan wax rayid ah wax kasoo gaadhin weerarkan

Weerarkan ayaa ah kii 11-aad ee uu Maraykanku ka gaysto Soomaaliya sannadkan.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG