Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qarax caawa ka dhacay Muqdisho


Muqdisho

Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax uu ka dhacay magaalada caawa fiidkii.

Qaraxan ayaa la sheegay inuu ka dhacay isgoyska Sanca, halkaasi oo dadweynuhu ay maqleen dhowaqa qaraxa.

Wararka hordhaca ah ee aan helayno ayaa sheegaya in guddoomiye ku xigeenka degmada Dayniile Axmed Nuur uu ka badbaaday qaraxaasi. Dhowr qof ayaa la sheegay inay waxyeello kasoo gaartay qaraxan caawa dhacay.

24 saac ka hor ayey ahayd markii qarax kan la mid ah lala beegsaday baabuur uu la socday guddoomiye ku xigeenka degmada Wadajir, agagaarka danwadaagaha Muqdisho, kaasi oo uu ka badbaaday.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG