Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Buffon oo Ronaldo la meel dhigay Pele iyo Maradona


Cristiano Ronaldo
Cristiano Ronaldo

Gianluigi Buffon ayaa Cristiano Ronaldo la meel dhigay Pele iyo Maradona kadib markii laba gool uu xalay ka dhaliyey, cayaartii dhex martay Juventus iyo Real Madrid.

Cayaartas oo ka tirsaneyd wareegga sideed dhammaadka ee koobka horyaallada Yurub, ayaa waxaa 3-0 ku adkaaday Real Madrid, inkasta oo lagu cayaaray garoonka Juventus ee magaalada Turin.

“Maanta waxaan mar kale aragnay waxa uu Ronaldo yahay, isaga iyo Messi waa tusaale dhiiri gelin leh, oo ay tahay in qof kasta uu daawado” ayuu yiri Buffon.

“Waxa ay gaareen guulaha ugu weyn, waxaana tani macnaheedu yahay in Ronaldo lala barbar dhigi karo Pele iyo Maradona” ayuu yiri.

XS
SM
MD
LG