Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Haweeneey Weerartay Xarunta Youtube ee Mareykanka


Saraakiil Boolis oo u sii ordaya xarunta YouTube ee San Bruno, California, April 3, 2018.
Saraakiil Boolis oo u sii ordaya xarunta YouTube ee San Bruno, California, April 3, 2018.

Booliska gobolka California ayaa xaqiijiyay dhawaaca saddex ruux kadib marki haweeney ku hubeysneyd bistoolad ay rasaas ku furtay dad ku sugnaa Xarunta ugu weyn Website-ka laga daawado muuqaalada ee Yutube ee ku taalla magaalada San Francisco.

Haweeneydan oo aanay wali booliska shaacin magaceeda ayaa marki danbe is dishay.

Afhayeen u hadlay booliska magaalada San Fransisco ayaa sheegay in laba dumar ah oo ay ka mid ah dadka dhaawacmay ay xaaladoodu wanaagsantahay, balse uu xaalad khatar ah ku suganyahay nin la rumeysanyahay inuu saaxib la ahaa haweeneyda weerartay Xarunta Yutube.

Booliska wali ma aysan shaacin magacyada dadka dhaawacmay iyo qofka weerarka geystay intaba.

Warbaahinta Mareykanka ayaa ku warramay in sababta ka danbeysa dhacdadani ay u badantahay arrimo dhinaca qoyska ah.

Dhageyso Weerarka Shirkadda YOUTUBE
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:31 0:00


XS
SM
MD
LG