Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Al-Shabaab oo laga dilay 53 maleeshiyo


Shabaab

Ugu yaraan 53 ka tirsan maleeshiyada ururka Al-Shabaab, ayaa lagu dilay weerar shalay ay ku qaadeen saldhig ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin magaalada Buula Mareer.

Sida ay noo sheegeen saraakiil ka tirsan ciidanka iyo maamulka gobolka, waxaa la sheegayaa inay saraakiishu soo ururiyeen maydka maleeshiyada la laayey.

Al-Shabaab ayaa iyagu horay u qirtay inay ka dhinteen 14 maleeshiyo ah, dhinaca kalena ay ka dileen 59 askari.

Milatariga Uganda ayaa iyagu sheegay inay weerarkaasi uga dhinteen 4 askari.

Al-Shabaab ayaa shalay weeraray saldhigyada ciidamada Uganda iyo kuwa Soomaalida ee ku yaalla Buula Mareeer, Golweyn, Qoryooley iyo Mashallaay.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG