Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Guardiola oo ka walaacsan weerarka Liverpool


Tababaraha kooxda Manchester City Pep Guardiloa ayaa walaac ka muujiyey weeraryahanada kooxda Liverpool ka hor kulanka koobka horyaalada Yurub ee labada koox dhexmaraya arbacada.

Guardiola ayaa sheegay in qadka weerarka ee kooxda Liverpool uu yahay “mid aan la joojin karin”.

Labada koox ayaa kulmaya arbacada, waxaana kooxda Liverpool ay tahay kooxda kaliya ee Premier League ee ku dhow City, marka ay noqoto gool dhaliska.

Mohamed Salah ayaa xilli cayaareedkan dhaliyey 37 gool, halka Roberto Firmino iyo Sadio Mane ayaa dhaliyeen 38 gool marka la isku daro.

“Ma ahan kaliya Salah, ee sidoo kale Firmino iyo Mane. Saddexdooda waa kuwa ay adag tahay in la joojiyo” ayuu yiri Guardiola.

Liverpool waa kooxda kaliya ee xilli cayaareedkan ku garaacday City Premier League, ayada 4-3 kaga adkaatay garoonka Anfield, 14-kii Janaayo.

XS
SM
MD
LG