Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Jubbada Hoose: Duqeyn lala beegsaday hal qoys


3 qof ayaa dhimatey, 4 kalena waa ay ku dhaawacmeen markii duqeyn lala beegsadey hal qoys ah gurigooda, meel 25 KM koonfur kaga beegan deegaanka Kaamjaroon ee duleedka galbeed ee magaalada Kismaayo.

Toddobada qofood ee ay waxyeelada soo wada gaartey ayaa ahaa hal qoys ah, oo xoolo dhaqato ahaa.

Waxaa dhaacwyada 4 qof oo ay ku jiraan labo cunug oo yar yar laga soo gaarsiiyey Isbitaalka magaalada Ksimaayo oo lagu dabiibayo.

Xidhibaanada kasoo jeedo deegaanada galbeedka Jubbaland ayaa arinkaasi walaac weyn ka muujiyey, ayadoo duqeyntana ay si weyn ugu soo noq-noqotey dhulka baadiyaha ah ee saddexda gobol ee maamulkaasi.

Xiildhibaan Iftiin Xassan Baasto oo kasoo jeedo deegaanada galbeedka magaalada Kismaayo, ayaa wariyaha VOA, ee magaalada Nairobi Khadar Mahmuud Xareed u sheegay inay ugu baaqeen ciidamada ajaanibta ah ee duqeynta geysta in ay kala saaraan dadka rayidka ah iyo kooxaha ay beegsanayaan ee Al-Shabaab ka tirsan.

XS
SM
MD
LG