Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dagalalo culus oo maanta ka dhacay Gobolka Shabeellada Hoose kadib markii Al-Shabab ay weerareen magaalada Buulo Mareer iyo degmooyin kale oo u dhow halkaasi.
Warar aanu ka helnay ilo dhinaca amniga ah ayaa sheegaya in ugu yaraan 12 ka tirsan maleeshiyada Al-Shabab ay ku dhinteen weerarkan kadib markii ay ku guuldarraysteen inay galaan xeryaha ciidamada AMISOM ee magaalada Buulo Mareer iyo Tuulada Golweyn.
Al-Shabab ayaa saddex baabuur oo qaraxyo ka buuxaan u adeegsaday weeraradan waxayna dhinacooda sheegteen inay dileen 59 ka tirsan ciidamada AMISOM, taasi oo aan si madaxbannaan loo xaqiijin. Waxayse Al-Shabab qiratay dhinaca kale in dagaalka looga dilay 14.
Toban ka mid ah maleeshiyada Al-Shabab ayaa la sheegay inay ku dhinteen weerarkii Buulo Mareer halka laba kalena lagu dilay Qoryooley.
Facebook Forum