Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciidanki Horay U Joogay Aqalka Baarlamaanka oo Dib Loo Soo Celiyay


Ciidamada
Ciidamada

Wararka ka imanaya magaalada Muqdishu ayaa sheegaya in ciidankii hore u joogay Dhismaha Baarlamaanka ee Muqdisho dib loogu celiyay mas'uuliyadda amniga baarlamaanka maanta.

Ciidamadan ayaa gaaraya 114 askari oo boolis ah. Waxaa amniga dhismaha baarlamaanka ka dhawaan kala wareegay ciidamo kale oo uu gudoomiyaha baarlamaanka ku eedeeyay in ay soo dirtay xukuumada.

Xukuumada Federaalka Soomaaliya kama aysan bixin wax faah-faahin ah ciidamadaasi.

Mas'uuliyiin ka dhow guddoonka Baarlamaanka ayaa VOA u sheegay in cidankaasi saaka lagu soo celiyey dhismahama baarlamaanka ayna haatan iyagu hayaan mas'uuliyadda amniga gudaha ee dhismaha.


Arrintan ayaa ka dambaysay markii madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmajao uu soo farageliyey xaaladda siyaasadeed ee mooshinkii isla markaana uu faray in la hakiyo mooshinkaas.

Soo faragelinta madaxweynaha ee khilaafka baarlamaanka ayaa soo baxay kadib marki ay saacadihi ugu danbeeyay ee Jimcihi shalay, ay baaqyo isku mid ahi madaxda qaranka u soo direen qaar ka mid ah madaxweynayaashi hore ee Soomaaliya, siyaasiyiin iyo ururada bulshada rayidka ah.

Waxay ugu baaqeen madaxda dowlada khilaafka u dhaxeeya baarlamaanka lagu xaliyo hab waafaqsan dastuurka iyo xeerarka baarlamaanka federaalka Soomaaliya, isla markaana laga hortago dib u dhac siyaasadeed oo kalifi kara qalalaaso.

Xildhibaanada mooshinka ka keenay gudoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa shalay hadal ay soo saareen ku sheegay in ay Sabtida maanta ah billaabi doonaan dhageysiga mooshinka.

Halka xildhibaanada kasoo horjeeda mooshinkani ay ku adkeysteen in kulanka baalamaanka ay kaga hadli doonaan muranka xuduuda Soomaaliya iyo Kenya ee Baladxaawo.


XS
SM
MD
LG