Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xiisadda Siyaasadeed ee Baarlamaanka oo Cirka Isku Sii Shareertay


Xildhibaanno
Xildhibaanno

War saxaafadeed maanta kasoo baxay xildhibaanada mooshinka ka keenay gudoomiyaha Baarlamaanka Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in mooshinka laga keenay guddoomiyaha la horgeyn doono Golaha Shacabka maalinta Sabtida birrito ah oo ku beegan 31-ka Marchla.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in xildhibaanada mooshinka keenay iyo kuwa taageeray ay tiradoodu gaareyso 223 mudane.

Xildhibaanadan ayaa qoraalkooda ku sheegay in gudoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari uu jebiyayqodobo ka mid ah ah Dastuurka, Xeerhoosaadka iyo shuruucda dalka u yaala.

Qodobada ku xusan qoraal saxaafadeedka ee lagu eedeeyay gudoomiye Jawaari ayaa waxaa ka mid ah inuu jebiyay qodobka afraad ee Sareynta Dastuurka Soomaaliya. Inuu jebiyay qodobka 68-aad ee dastuurka iyo sidookale faqooyinka koowaad iyo 3-aad ee Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Dhanka kalana, qoraal kasoo baxay gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa lagu amray taliyaasha ciidamada abadsugidda iyo booliska iyo taliyaha ciidanka Amisom ee ilaaliya baarlamaanka in ay ilaaliyaan amniga baarlamaanka.

Xildhibaanada diiddan mooshinka laga keenay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa iyaguna dhinacooda sheegay in kulan uu Golaha Shacabka birri ku yeelan doono Muqdisho kaga hadli doonaan xiisadda ka taagan xuduudda Soomaaliya iyo Kenya.

XS
SM
MD
LG