Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ruushka oo Eryay 60 Diblamaasi oo Mareykan ah


Wasiirka Arrimaha Dibada Ruushka
Wasiirka Arrimaha Dibada Ruushka

Dowlada Mareykanka ayaa sheegtay in aysan jiri doonin wax cudur daar ah oo ku aadan eryida aargudashada ah ee uu Ruushka ku eryay 60 diblamaasi oo Mareykan ah.

Bayaan xalay laga soo saaray Aqlka Cad ayaa lagu sheegay in tallaabada ay Moscow ku eryeyso diblamaasiyiinta Mareykanka ay kaga sii dareyso xiriirka u dhaxeeya Ruushka iyo Mareykanka.

Mareykanka iyo qaar ka mid ah dalalka ay saaxiibada yihiin ee ku jira isbaheysiga NATO ayaa horraantii todobaadkan eryay diblamaasiyiin Ruush ah, waxay uga jawaabayeen weerar loo adeegsaday kiimiko oo gudaha Ingiriiska loogu geystay nin horay ugu soo shaqeeyay sirdoonka Ruushka.

Dowlada Ingiriiska ayaa ku eedeysay xukuumada Moscow, weerarkaas loo adeegsaday kiimikada.

Wasiirka arrimaha dibada Ruushka ayaa isna ku dhawaaqay in Ruushka uu eryayo tiro la mid ah diblamaasiyiinta Ruushka ah ee laga eryay Mareykanka.

Ruushka wuxuu sidoo kale xiriyaa qunsuliyada uu Mareykanka ku leeyahay magaalada Saint Petersburg.

XS
SM
MD
LG