WASHINGTON. D.C —
Ciidamada amniga ee gobolka Banaadir ayaa hawlgal ay xalay ka sameeyeen degmada Wadajir ku soo qabtay hub iyo maandooriyayaal iskugu jira xashiish iyo khamri.
Saraakiisha waxay sheegeen inay baaritaan ku wadaan walxaha ay gacanta kusoo dhigeen.
Hawlgalkaas iyo dilalka gaadmada ah oo ku badan xaafadda ayaa Sahra Ciidle Nuur ka waraystay Cumar Cabdullaahi Xasan Cumar Qaanso oo ah Guddoomiyaha Wadajir.