Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Gabar Xildhibaan ah oo Muqdisho Lagu Dilay


Warar goor dhawayd naga soo gaadhay magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in mid ka mid ah xildhibaannada maamul goboleedka Koonfur Galbeed lagu dilay magaalada Muqdisho.

Xildhibaanka la dilay ayaa lagu magacaabaa Ruqiya Abshir Nuur, sida ay VOA u sheegeen ilo dhinaca amniga ah, waxaana la sheegay in dablay hubaysan ay weerareen gurigeeda caawa, kadibna ay toogteen.

Taliyaha booliska degmada Boondheere Cabdi Wakiil Cabdilaahi, ayaa VOA u sheegey in Ruqiyo loo qaaday xarrumaha caafimaadka, kadib weerarkaasi, balse ay nafta ka baxdey markii la geeyay cisbitaalka.

Weerarka, ayaa ka dhacay agagaarka Maanabooliyo ee magaalada Muqdisho.

Warar dhinaca amniga ah ayaa VOA u sheegay in dadka weerarka gaystay ay goobta ka baxsadeen.

XS
SM
MD
LG