Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xiisadda Ruushka iyo Reer Galbeedka oo Korodhey


Britain Russia
Britain Russia

18 waddan oo ay ku jiraan Maraykanka, Kanada iyo waddamada Midowga Yurub ayaa sheegay inay waddamadooda ka cayrinayaan diblomaasiyiinta Ruushka ah qaarkood.

Maraykanka ayaa sheegay inay cayrinayaan ilaa 60 iskugu jira diblomaasiyiin iyo madaxda sirdoonka. Tallaabadan ayaa ah is-garab taag waddanka Biritan oo sheegay inay u badan tahay in Ruushku uu ka dambeeyey sumayntii la isku dayey in lagu khaarajiyo nin basaas ah oo asal ahana kasoo jeeda Ruushka, Sergey Skripal iyo gabadhiisa oo lagu sumeeyay magaalada Salisbury 4-Maarso.

Cabdixakiim Maxamuud Shirwac ayaa tallaabooyinka diblomaasi ka waraystay Maxamed Xaaji Maxamuud oo shahaahada Ph.D-da ka diyaariya Jaamacadda Warwick ee dalka UK.

Xiisadda reer Galbeedka iyo Ruushka
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:41 0:00

XS
SM
MD
LG