WASHINGTON. D.C —
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay inay xukuumaddiisu joojisay wada-hadalladii ay la lahayd Soomaaliya.
Madaxweyne Biixi oo maanta khudbad ka horjeediyay fadhi midaysan oo labada gole Baarlamaan isugu yimaaddeen, ayaa sidoo kale arrin aan sharciga waafaqsanayn ku tilmaamay go’aankii Xisbiga Waddani kalsoonida kagala noqday guddida doorashada.
Weriyaha VOA Barkhad Maxamuud Kaariye ayaa warbixintan ka soo diray Hargeysa.