Isku xirrada

War Deg-Deg ah

14 Ruux oo Ku Dhimatay Qarax Muqdisho ka Dhacay


Weerar loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay inay ahaayeen mooto bajaaj wax yaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa ku qarxay agagaarka Hotel Wehliye ee magaalada Muqdisho, gelinkii dambe ee maanta.

Ugu yaraan 14 ruux ayaa la sheegey inay weerarkaasi ku dhinteen, kuwaas oo u badnaa dad ka ag dhawaa goobta qaraxa uu ka dhacay, sida uu sheegey afhayeenka wasaaradda amniga Cabdicasiis Xildhibaan. Sidoo kale, shan qof ayuu Xildhibaan sheegey inay dhaawacmeen.

Xaaladda goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa kacsan, iyadoo gaadiidka gurmadka deg degga ah ay goobta ka daabulayaan dhibannayaashii weerarkaasi wax yeellada ka soo gaartay.

Seynab Abuukar Maxamed, ayaa warbixintan Muqdisho ka soo dirtay.

Qarax Ka dhacay Muqdisho
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:03:21 0:00

XS
SM
MD
LG