Isku xirrada

War Deg-Deg ah

USA: Booliska oo Heley Muuqaal uu Duubey Nin Is-qarxiyay


Taliyaha ciidanka booliska magaalada Austin ee caasimadda gobolka Texas ee dalkan Mareykanka, Brian Manley, ayaa sheegay in ninka looga shakisanyahay inuu ka danbeeyay bambooyin lagu qarxiyay Austin uu moobeylkiisa ku duubay muuqaal 25 daqiiqo ah ka hor inta uusan is dilin.

Mark Conditt ayaa isku qarixyay gaari, kadib markii ay ciidamada booliska ku soo dhawaadeen si ay u soo xiraan.

Taliyaha ma uusan bixin faah-faahin ku saabsan in haddii Conditt uu qirtay inuu qaraxyada isaga ka danbeeyay iyo in kale. Balse, wuxuu sheegay in Mark Conditt uusan fiidoowgiisa kusoo hadal qaadin wax la xiriira argagixiso ama naceb.

Wuxuu sheegay in muuqaalka intiisa badan uu uga hadlay caqabado iyo halgan uu kula jiray noloshiisa gaarka ah.

Booliska ayaa rumeysan in Conditt uu ka danbeeyay lix bam oo la dhigay gudaha iyo dibadda magaalada Austin saddexdi toddobaad ee lasoo dhaafay.

Bambooyinkaasi ayaa shan ka mid ahi ay qarxeen, waxaana ku dhintay laba ruux halka shan kalana ay kasoo gaareen dhaawacyo.

XS
SM
MD
LG