Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Everton oo isha ku haysa Luke Shaw


Luke Shaw
Luke Shaw

Kooxda Everton ayaa ka fakareysa inay u dhaqaadqo saxiixa xiddiga garabka bidix ee daafaca ee kooxda Manchester United Luke Shaw, sida laga soo xigtay ilo-wareedyo ku dhow kooxda oo la hadlay ESPN FC.

Mustaqbalka Shaw ee kooxda United ayaa mugdi sii galay kadib markii macallin Jose Mourinho uu dhaleeceeyey kadib cayaartii FA CUP ay kooxdiisa kaga adkaatay kooxda Brighton.

Mourinho ayaa sheegay inuu beddelay Shaw kadib qeybtii koowaad ee cayaarta sababtuna ay ahayd isaga aan haysan shaqsiyad uu si wanaagsan ugu cayaaro.

Ilo-wareedyo ku dhow kooxda Everton ayaa sheegay in kooxda ay si dhow ula socoto xaaladda xiddigan ayna u dirtay dad soo daawada hab cayaareedkiisa.

Kooxda Everton ayaa dooneysa xiddiga beddel mustaqbalka fog ah u noqday laacibka kooxdaas ee garabka bidix Leighton Baines oo 33 jir ah.

XS
SM
MD
LG