Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Guddiga Xallinta Khilaafka Aqalka Hoose oo War Soo Saaray


Guddiga Aqalka Sare uu u saaray xallinta khilaafaadka xubnaha Aqalka Hoose, ayaa maanta shir jaraa'id oo ay Muqdisho ku qabteen waxay ku faahfaahiyeen halka ay howshooda mareyso.

Senator Maxamuud Axmed Mashruuc, ayaa wariyayaasha u sheegey in ay la kulmeen madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, ayna ka dalbadeen in uu soo faragaliyo dhammeeynta khilaafaadka. Waxa uu sheegey in madaxweynuhu uu taasi aqbalay.

Sidoo kale, Senator Mashruuc waxa uu sheegey in Reysal wasaare Kheyre oo ay la kulmayna, uu ka aqbalay in dib loogu soo celiyo xarrunta baarlamaanka xaaladdii uu ku sugnaa ka hor inta aysan khilaafaadkani imaan, taas oo uu ula jeeday in ciidamada dheeraadka ah laga qaado xarruntaasi.

Sidoo kale, guddigan ayaa la kulmay guddoomiye Jawaari iyo labadiisa ku xigeen.

Waxaa isna shir jaraa’id qabtay Guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Cabdiweli Ibraahim Muuddey oo ugu baaqay xildhibaannada inay soo gaabiyaan fasaxooda ayna soo xaaadirana shirarka. Warbixintan waxaa Muqdishu nooga soo diray Xasan Kaafi Qoyste.

War ay Aqalka Sare ka soo saaren khilaafka Aqalka Hoose
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:28 0:00

XS
SM
MD
LG