Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Africom: Waxaan Dilnay Xag-jiriin


War-saxaafadeed ay soo saareen taliska ciidamada Maraykanka ee Afrika ee loo yaqaan Africom ayaa lagu sheegay in ciidamada Maraykanku iyagoo gacan ka helaya dawladda faderaaliga ah ee Soomaaliya ay duqayn ay ka fuliyeen 19 kii bishan Maarso meel u dhaw tuulada Mubaarak ee gobolka Shabeellaha Hoose ay ku dileen xagjirayaal, baabuurtoodana ay burburiyeen.

Ciidamada Mareykanka ee Africom ayaa sheegay in ay isticmaalayaan wadiiqooyin loo ogolaadey si ay uga hortagaan argagaxisada, islamarkaasna ay u bad baadiyaan danaha Mareykanka iyo dadkoodaba.

Iyadoo lala kaashanayo beesha caalamka, Mareykanka waxa ka go'an inay taageero u fidiyaan Soomaaliya, AMISOM iyo ciidamada nabad-galyada qaranka Soomaaliyeed, si loola dagaallamo kooxaha mitidiinta xag-jiriinta ah.

Dhinaca kalena, dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamada amnigu ay qabteen laba xubnood oo ka tirsan ururka Al-Shabab hawlgal ay ciidamadu ka sameeyeen degmada Awdheegle. Mukhtaar Maxamed Catoosh ayaa warbixintan noo soo diray.

Weerar ka dhacay Shabellaha Hoose
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:31 0:00

XS
SM
MD
LG