Magaalada Jabuuti waxa maanta la so gaba gabeeyey qeybti hore ee shir dhinaca deeqaha ah oo ay halkaasi ku lahaayeen dalalka Afrikaanka ah, kuwa kulaala xeebbaha Karibiyaanka, Baasifigga iyo Midowga Yurub.
Soomaaliya waa markii u horreysey ee ay ka so qeyb gasho shirkan iyado maalinta bari la bilaabi doono qeybti labaad oo ah tii u dambeysey ee wasiiradda dalalka la isku yirahdo ACP Group.
Ramadan Muuse ayaa shirkaasi iyo waxyaabihii ay Somaliya la tagtay ka wareystay Maxamed Daahir Faarax oo ah madaxa xafiiska hagga mashaariicda midowga yurub ee dowladda Federaalke Soomaaliya.