Isku xirrada

War Deg-Deg ah

USA: Toogasho ka Dhacdey Iskuul oo uu Qof ku Dhintay


Sarakiisha amaanka ee gobolka Maryland ee dhaca Koonfur Bari Magaaladan Washington ayaa sheegay in maanta ay toogasho ka dhacday Dugsi Sare oo halkaasi ku yaala oo la yirahdo Great Mills High School.

Wararka ayaa sheegaya in ruuxii weerarka geystay la dilay, kahor inta aanu laba ruux dhaawicin.

Toogashooyinka ka dhaca Iskuulada ayaa dalkan Mareykanka ka noqday dood qaran, wixii ka dambeeyay 14kii bishii February ee la soo dhaafay, markii toogasho lagu dilay 17 qof Iskuul ku yaala Parkland, Florida.

Sahra Cabdi Axmed ayaa toogashadan ugu damebysay ee Iskuulka Maryland ka wareysatay, Cabdiraxmaan Cabdi Maxamed (Gacma Cadde) oo ka mid ah Soomaalida ku nool gobolka Maryland.

please wait

No media source currently available

0:00 0:03:29 0:00

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG