Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Barcelona oo u Dhaw In Ay Hanato Horyaalka Spain


Lionel Messi oo u dabaaldagaya gool uu dhaliyay.
Lionel Messi oo u dabaaldagaya gool uu dhaliyay.

Kooxda Barcelona ayaa aad ugu sii dhawaatay hanashada horyaalka Spain ee La Liga kadib marki ay Axadi 2-0 uga badishay Athletic Bilba, halka kooxda kusoo xigta eeAtletico Madrid ay 2-1 ku khasaartay Villarreal.

Labada gool Barcelona waxaa u kala dhaliyay Faransisco Alkaaser iyo Messi. Gushaasi ayaa Barce aad ugu sii dhaweysay in ay sanadkaan qaado koobka horyaalka La Liga.

Waxay 11 dhibcood ka sarreysaa kooxda Atletico Madrid oo kaalinta labaad ku jirta xilli horyaalka ay ka harsanyihiin sagaal ciyaarood.

Barcelona sidoo kale waxay 15 dhibcood ka sarreysaa kooxda Real Madrid oo Axadii 6-3 ku dardartay kooxda Hiroona.

Afar ka mid ah goolasha Real waxaa u saxiixay xidigooda Cristiano Ronaldo. Waa marki ugu horreysay oo uu Ronaldo hal kulan gudahiis ku dhaliyo afar gool tan iyo intii uu bilowday xilli ciyaareedkan. Wuxuu hadda leeyahay 22 gool, saddex goo loo qura ayuu ka hooseeyaa Messi oo isna dhaliyay 25 gool.

XS
SM
MD
LG