Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Napoli oo Kusoo Dhawaatay Juventus


Kabtanka Napoli Marek Hamsik oo dabaaldagaya.
Kabtanka Napoli Marek Hamsik oo dabaaldagaya.

Napoli ayaa laba dhibcood oo qura usoo jirsatay hogaamiyaasha horyaalka ee Juventus kadib marki ay 1-0 ugu awood sheegatay Genoa xalay.

Goolka guusha waxaa siiyay laacibka difaaca ka ciyaara ee Raul Albiol.

Juventus Sabtidi ayay bareejo goolal la,aan ah ku kala baxeen kooxda SPAL. Roma ayaa dhuuqsatay boosda saddexaad kadib marki ay 2-0 uga soo badisay Crotone. Kaalinta afraad waxaa ku jira Inter oo 5-0 ku xaaqday Sampdoria. 4 ka mid ah goolasha waxaa saxiixay Mauro Icardi.

Lazio ayaa ku jirta kaalinta shanaad waxay barbarro 1-1 ah la dhaafi weyday Bologna, halka AC Milan oo ku jirta kaalinta lixaad ay 3-2 uga badisay Chievo.

XS
SM
MD
LG