Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Doon Shidaal Siddey oo Duleedka Boosaaso ku Gubatay


Wararka ka imanaya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in doon ganacsi oo sidday shidaal iyo alaabo kale uu dab ku qabsaday meel u dhow dekedda magaalada Boosaaso.

Booliiska ayaa sheegay inaan waxba laga qaban karin sidii loo badbaadin lahaa doonta iyo alaabta saaran, hase yeeshee booliisku waxay sheegeen in la badbaadiyey shaqaalihii saarnaa doonta, inkastoo ay laba dhaawac ah ku jiraan.

Doontan oo lagu magacaabo Nuur Saabir ayaa xamuulka ay sidday ka keentay dalka Imaaraadka Carabta, waxaana ay kusoo jeedday dekedda Boosaaso.

Doonta ayaa la sheegay inay wadatay calanka Soomaaliya inkastoo asal ahaan laga leeyahay dalka Hindiya.

Bishii hore ayey ahayd markii doon ay kusoo caarisay meel u dhow dekedda Boosaaso, taasi oo markii dambe iyadii iyo xammuulkiiba ay bad-baadiyeen dadka magaalada.

Dooni ku gubatay duleedka Bosaso
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:38 0:00

XS
SM
MD
LG