Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muslimiinta Britain ku Nool oo Loo Hanjabay


Muslimiinta dalka Britain ayaa si weyn uga carooday warqad cinwaan looga dhigay ‘Maalinta Muslimka la Ciqaabo ‘ oo qoysas badan oo Muslimiin ah loogu diray guryahooda.

Wali ma cadda cidda ka dambeysa fariimahaasi oo dadweynaha Britain looga codsanayo in ay weeraro la beegsadaan dadka Muslimiinta ah 3 April ee sanadkan.

Booliska ka hortaga argagixisada, ayaa sheegay inay wali wadaan baaritaano la xiriira dhacdadan.

Haddaba, wariyaha VOA ee London, Ridwaan Xaaji Cabdiwali, oo la la kulmay mid kamid ah dadka warqaddaasi ka dhex helay gurigooda ayaa warbixintan soo diray.

Muslimiinka UK oo loo hanjabay
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:05 0:00

XS
SM
MD
LG