Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Aqalka Sare ee Soomaaliya oo Mamnuucey DP World


Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyey sharci waxba kama jiraan ka dhigaya heshiis kasta oo lala galay shirkadda ay leedahay dawladda Imaaraadka Carabta ee DP World.

28 ka mid ah 36 mudane oo kulanka ku sugnaa ayaa ogolaatay go’aankan, 6 ka mid ah xubanaha Aqalka Sare ayaa diiday, halka 2 mudane ay ka aamuseen.

Xubnaha Aqalka Sare ayaa si buuxda u taageeray sharcigan oo ka mamnuucaya shrikadda DP World gebi ahaanba dalka Soomaaliya.

Sharcigan ayaa waxaa horey u meel mariyay Aqalka Hoose ee baarlamanka 12kii bishan. Seynab Abuukar Maxamed ayaa warbixintan Muqdisho ka soo dirtay.

Aqalka Sare oo Meel mariyay Sharci ka dhan ah DP World
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:01 0:00

Dhinaca kale, dibad baxyo looga soo horjeedo go’aanakaasi baarlamanka Soomaaliya ayaa maanta ka dhacay qaar ka id ah magaalooyinka waaweyn ee Somaliland.

Dibad baxayaasha ayaa taageerayay go’aankii ay xukumadda Somaliland ka qaatay arrintan. Wariyaha VOA, Sagal Mustafe Xassan, ayaa warbixintan inoo soo dirtay.

Muddaaharadyo ka dhacay Somaliland
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:47 0:00

XS
SM
MD
LG