Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Boosaaso oo Laga Taageeray Mamnuucista DP World


Magaaladda Boosaaso waxaa galabta lagu qabtay kulan lagu taageerayo go’aankii Aqalka Hoose ee baarlamaanka Soomaaliya ay dekedaha Soomaaliya kaga mamnuuceen shirkadda DP World

Kullankan ayaa waxaa ka soo qayb galay nabadoono, siyaasiyiin, aqoonyahan iyo waxagard, waxayna fariin ugu direen maamulka iyo baarlamaanka Puntland inay ayidaan oo aysan ka aamusin go’aanka baarlamaanka Soomaaliya uu ka gaaray shrikadda DP World.

Kulankan oo ay ka soo qayb gleen in ka badan 100 qof ayaa wuxuu ku soo beegmayaa maalin ka dib go’aankii baarlamaanka Soomaaliya uu ku mamnuucay shirkadda DP World iyadoo maamulka Puntland ayaan weli wax war ah ka soo saarin go’aanka ka soo baxay Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya.

XS
SM
MD
LG