Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Puntland: Askar Lagu Diley Weerar


Saddex askari oo ka tirsan ciidamada amniga ee Puntland ayaa ku dhintay weeraro kala duwan oo dhacay xalay iyo maanta.

Laba askari oo ka tirsan ciidamadda Puntland ayaa maatay ku geeriyooday qarax ka dhashay miino ay fur furayeen ciidamada, kaas oo ka dhacay waddada gasha tuulada Galgala oo ay isticmaalan gaadiidka ciidamada Puntland oo ay furfurayeen .

Dhinaca kale, askari ka tirsan ciidamada booliska gobolka Bari ayaa xalay toogasho lagu lagu dillay xilli uu marayey meel u dhaw suuqa magaalada Boosaaso, waxaa kaloo goobtaas lagu dilay askarigaas lagu arkey nin kale oo shacab ah oo dhaawac ah.

Saraakiil ay VOA la xiriirtay ayaa sheegay inay ku jiraan baaritaan la xiriirta dhacdad lagu dilay ninka askariga ah.

XS
SM
MD
LG